Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in barnaamij tijaabo ah ka bilaabayso xuduudda ay la leedahay Mexico halkaas oo maalin kasta ay ka gudbaan boqolaal qof oo magangalyo doon ah.
Barnaamijkan ayaa looga gol leeyahay in lagu fududeeyo go’aan ka gaarista codsiyada magangalyo doonka , waqtiga go’aanka looga gaarayana lagu soo koobo 72 saacadood, halkii markii hore go’aanka la sugayay dhawr todobaad.
Haddii ay shaqayso tijaabada, waxa ay wasaaradda arrimaha gudaha doonaysaa in ay balaariso barnaamijka, ugu dambeyna dhammaan dadka soo galaya Maraykanka ay fursad ugu helaan in kiisaskooda xal laga gaaro muddo kooban.
Maraykanka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in ciddii aanan u qalmin in magangalyo la siiyo durbadiiba lagu celiyo dalkii ay ciddaasi ka timid, halkii la sugi lahaa muddo bil ka badan sida hadda dhacda.