Hawlgalka Maraykanka Afrika ee AFRICOM loo yaqaano ayaa markii ugu horeysey si shaac ah uga waramay weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado danaha Maraykanka ee Soomaaliya kadib dagaalkii Caydiid ee 1993-dii ee ay ku dhinteen 18-ka askari, boqolaalka shacab ee Soomaalida ahna lagu dilay.
Weerarkan oo lagu sheegay in uu ahaa kii weynaa ebed ee ay abaabushay kooxda Alshabaab ayaa dhacay 30-kii September, 2019-kii , balse diyaargaroow laga sameeyay iyo farsamooyin ciidan oo la hirgaliyay ayaa suurtogaliyay in laga badbaado wax uu Maraykanka ku tilmaamay masiibadii ugu weynayd eek u dhici lahayd.
Weerarka waxa uu ka dhacay garoonka Balidoogle oo ay joogeen ciidamada Maraykanka oo tabobarayay ciidanka Soomaaliya, waxaana garoonka ku dagayay diyaarado ay leedahay Qaramada Midoobay, iyada oo ay maalintaasi ka shaqaynayeen boqolaal shaqaale ah oo dayactirayay qeyb ka mid ah dhabaha diyaaradaha ay ku ordain.
Unugta Charlie lagu magacaabo oo ka tirsan guutada New Jersey ee ciidanka illaalada Qaranka Maraykanka ayaa isla bishaas bilaabay hawlgalkooda Soomaaliya. Weerarka waa ay filayeen, muddo dheer ayayna u diyaargaroobeen sidii ay isaga caabin lahaayeen.
Balse hal arrin oo ay sameeyeen ayaa u muuqata in ay ahayd tii yeelatay saamayntii ugu fiicnayd , kana hortagtay weerarka. Waxa ay god dheer ka qodeen banaanka xeendaabka xerada Balidoogle, iyaga oo baneeyay meel uu kaliya mari karo gaari aad u yar.
Tani waxa ay keentay in gaarigii walxaha qarxa laga soo buuxiyay ee Alshabaab uu ku dhoco godkii, darawalkiina toogasho lagu dilo, balse Alshabaab ayaa meel fog ka qarxiyay gaariga.
Qaraxa ayaa qotey masaafo dhan labo garoon kubadeed, mana geysan qasaaro nafeed.
Unug 12 nin ka kooban oo aad u hubeysan oo kooxdan Alshabaab ka tirsan ayaa markiiba meesha ku timid gaari kale, xeradana kasoo galay meel uu qaraxa ka jabiyay siligga xerada, balse waxa ay ahayd mar aad loogu diyaargaroobay.
Dagaal socday wax ka yar hal saac ayaa lagu soo afjaray dagaalamayaashii weerarka ahaa oo xitaa watay baasuukayaal iyo qoryaha darandooriga u dhaca.
Maraykanka waxa uu sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay qaraxa, inkasta oo Alshabaab ay sheegteen in ay dad ku laayeen meesha.
Maj. Gen. William Gayler oo ah agaasimaha hawlgalada AFRICOM ayaa sheegay in inkasta oo weerarkaasi fashilmay, haddane uu si dhab ah uga turjumayo inta ay la’egtahay halista kooxaha xagjirka ah ku hayaan danaha Maraykanka ee Afrika iyo dalalka kaleba.
Ciidamadii ka qeybgalay hawlgalkan ayaa la siiyay billado abaalmarin ah iyo xitaa jaa;isado kale oo geesinimo ah.
Maraykanka ayaa xogtan hayay muddo seddex sano, lamana sheegin sababta keentay.