Dowladda Maraykanka ayaa todobaadkan martigalinaysa shirka Maraykanka iyo Afrika, kaasi oo ka furmay magaalada Washington, waxaana ka qeybgalaya wax ka badan 40 madaxda Afrika ah oo uu ka midyahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Maraykanka ayaa qiratay in ay hoos uga dhacday doorkeedii maalgashiga tooska ah ee Afrika, haatana ay kaalinta koowaad ku jirto dowladda Shiinaha. Balse waxa ay mas’uuliyiinta Maraykanka qirayaan in saamaynta taban ee Maraykanka ee Afrika ay weli jirto.
Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa sidii loosoo nooleyn lahaa xiriirka tooska ah ee qaaradda lala leeyahay, iyada oo Maraykanka uu qoondeeyay lacag dhan $55 bilyan oo doolar oo lagu maalgalinayo qeybaha kala duwan ee ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha Afrika. ‘
Lacagaha maalgalinta badankood ayaa galaya dhanka horumarinta tiknoolajiyadda iyo cilmi baarista, iyada oo Marwada Madaxweynaha Jill Biden oo qura ay Afrika ugu yaboohday $300 milyan oo doolar oo la galinayo cilmi baarista iyo daweynta cudurka Kansarka.
Shiinaha ayaa maalgalin xooggan oo aysan shuruudi ku xirnayn ka wada qeybo badan oo Afrika ka mid ah, taas oo ay mahadiyeen madaxda Afrika, balse waxa ay arrintani si weyn u welwel galinaysaa Maraykanka, waxana ay sii xoojinaysaa tartankii labada awoodood.
Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale shaacisay in lacag dhan $100 milyan oo doolar ay galin doonto arrimaha dhiirogalinta dhallinyarada Afrika sida ay sheegtay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.