Connect with us

News

Maraykanka oo safiir waayo-arag u magacaabay Soomaaliya

Published

on

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa safiir waayo aragnimo dublumaasiyadeed oo badan u magacaabay Soomaaliya, tani oo la sheegay in ay ka turjumeyso muhiimadda Maraykanka uu siinayo dalkani Geeska Afrika ku yaala.

Richard H. Riley ayaa muddo aad u dheer kasoo shaqeeyay wasaaradda Arrimaha Dibedda oo uu ka gaaray wax la mid ah darajo wasiirnimo. Waxa uu horey usoo noqday qunsulkii guud ee Peshawar, Pakistan iyo safiir ku xigeenka Maraykanka ee dalka Norway.

Dalalka kale ee uu kasoo shaqeeyay waxaa ka mid ah Afghanistan, Yemen, Ciraaq, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo waliba dalka Jamaica.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: