Connect with us

News

Maraykanka oo shaaciyay hannaan cusub oo qaxootiga lagu soo dhoofinayo

Published

on

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay hannaan cusub oo dadka muwaadhiniinta Maraykanka iy dadka degenaanshaha rasmiga ka haya ay ku damaanad qaadi karaan dad qaxooti ah oo adduunyada meelo kala duwan jooga, si dadkaasi ay magangalyo uga helaan gudaha Maraykanka.

Hannaankan ayaa waxa uu shuruudiisa yahay in shan qof oo midkiiba uu meel dhigayo lacag dhan $2275 doolar , haddii uu doonayo in uu damaanad qaado qof qaxooti ah, lacagtaasi oo qofka u uku noolaanayo 3-da bilood ee uu dalka ku cusubyahay.

Barnaamijkan ayay dowladda Maraykanka kaga gol leedahay in ay ku qafiifiso culeeska ay kala kulmayso muhaajiriinta tirada badan ee dalkaasi soo galaya, loona abuuro waddo sharci ah oo dadka ay kusoo galaan, iyada oo sidoo kalena xagga dhaqaalaha culeeska laga fududeynayo dowladda.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Anthony Blinken ayaa barnaamijkan ku tilmaamay mid taariikhi ah, wuxuuna xusey in ururada diimaha, jaamacadaha iyo halyeeyada dagaalada ay ka qeybqaadan karaan in ay dad casuumaan.

Sanadkan 2023-da waxaa la doonayaa in la helo 10 kun qof oo damaanad qaadda 5 kun qof oo qaxooti ah.

Hay’adda Wellcome Corps ayaa u xilsaaran fulinta barnaamijkani oo la mid ah mid ka jira dalka Canada.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: