Connect with us

News

Maraykanka oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucay TikTok

Published

on

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalada dowladda ee heer federaal laga mamnuucay in ay taleefoonka ku shubtaan aaladda TikTok , waxayna haystaan muddo 30 cisho ah kuwa uu u degsanyahay in ay iska tiraan.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in aaladdan ay isticmaasho dowladda Shiinaha in ay ku xaddo xogta dowladda iyo tan shaqsiga ah, sidaasi awgeedna uu yahay wax halis ku ah amniga Qaranka ee Maraykanka.

Waxaa sidoo kale Aqalka Koongareeska yaala sharci gebi ahaanba dalka Maraykanka looga mamnuucayo in lagu isticmaalo aaladan, iyada oo dowladda Canada iyo Midoowga Yurub ay iyaguna qaadeen talaabooyin la mid ah.

Sharcigan ayaa sidoo kale ogolaanaya in gebi ahaanba la mamnuuco aalada kasta oo kale oo mustaqbalka soo baxda oo la ogaado in ay halis ku tahay amniga qaranka.

Shirkadda TikTok ayaa sheegtay in go’aanada dowladaha reer Galbeedka ay yihiin kuwa siyaasadaysan, waxayna beenisay eedeymaha loo jeediyay.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: