Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay sharci cusub kusoo kordhinayso diyaaradaha iyo duulimaadka hawada si loo horumariyo nabad galyada duulimaadyada, kadib markii nin rakaad ah uu rabshad ka sameeyay diyaarad u socotay Washington.
Diyaarada American Eagle oo kasoo duushey gobolka Florida , una socotay Washington ayaa loo weeciyay garoon kale, kadib markii nin rakaabka ka tirsanaa uu isku dayay in uu xoog ku galo shukaanta diyaaradda.
Ninkii waxaa xabsiga loo taxaabay kadib markii diyaaradddii ay ku degtay garoon kale oo maxali ah.
Hase yeeshee hay;adda FAA ee qaabilsan duulimaadyada Maraykanka ayaa sheegaysa in ay haatan soo saarayso sharci cusub oo dhigaya in albaab dheeraad ah oo ka sokeeya kan shukaanta laga galo loo samayn doono dhammaan diyaaradaha si looga hortago dadka isku daya in ay galaan meesha uu duuliyaha ka wado diyaaradda.