Connect with us

News

Maxaa ku qoran heshiiska Amniga ee Baydhabo?

Published

on

Mid ka mid ah qodobada lagu heshiiyay shirkii Baydhabo ee madaxda Soomaalida ayaa ah Heshiiska Amniga , waxaana hadda soo baxaya faahfaahino la xiriira heshiiskaas oo laga tixraacay mid horey Baydhabo loogu saxiixay 2017-kii, balse ay fulin weysay dowladdii Farmaajo.

Heshiiska cusub ayaa lagu kordhiyay tirada ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliiska, kuwaas oo kala noqonaya 30 kun iyo 40 kun sida ay isugu xigaan.

Ciidamada asluubta ayaa noqonaya 5 kun oo askari iyo 800 boqol oo xabsi oo dalka oo dhan ku kala yaala.

Qofka Askariga qoranaya ee ugu yar waa in uu jiraa 18 sano, waxaana lagu hawlgabayaa da’da 62 sano.

Heshiiska kuma jiraan ciidamada cirka iyo kuwa badda.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: