Connect with us

News

Maxay ka dhigantahay dacwadda dambiyeed ee Trump lagu soo oogey?

Published

on

Inkasta oo aanan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta liiska dacwadaha loo haysto madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, haddane waxaa war weyn oo taariikhda galay ahaa in dacwad dambiyeed lagu soo oogey madaxweyne hore, tani oo ah markii koowaad oo ay dhacdo.

Tani waxa ay ka dhigantahay in sida dambiileyaasha caadiga ah Trump la geynayo saldhigga, laga qaadayo sawirka Mug Shot loo yaqaano ee qofka soojeed iyo dadabba loo sawiro, lagana qaadayo faraha, kaas oo dabcan noqon doona sawirka qabsan doona bogaga hore ee wargeysyada Adduunka haddii ay dhacdo in Trump lasoo xiro, taas ooh adda suurtogal ah.

Dacwadda waxa soo oogey xafiiska xeer illaalinta heer degmo ee Manhattan, balse waxaa go’aankeeda lahaa guddi xeer beegti ah oo arrimaha Trump loo saaray. Horey ayaa xafiiskan loogu eedeeyay in uu ka gaabinayo baaritaanada la xiriira dacwadaha Trump loo haysto.

Dad badan waxa ay filayeen in New York ay tahay meesha ugu dambeysa ee Trump dacwadiisa lagu furo, waxaa liiska kaga horeeyay Washington iyo Atlanta oo ay ka furanyihiin baaritaano kale oo Trump ka dhan ah.

New York waa meeshii Trump ku hano qaaday, daaraha iyo hantida badan ka sameeyay, waana meesha uu ku leeyahay saamaynta ugu badan ee dhanka galaangalka ganacsiga. Hase yeeshee waa meeshii lagu jirey Filimkii Taxanaha adduunka caanka ka noqday ee Law and Order, waxayna u egtahay in Trump uu hadda bartanka kaga jiro wax u eg xalqo ka mid ah filimkaas.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan in kooxda dacwad oogeyaasha ah ay hayaan caddeymo iyo qiraalo ka badan inta hadda la ogyahay iyo sheegashooyinkii uu sameeyay abukaatihiisii hore Mr Cohen iyo haweenaydii uu weeydaartay Trump ee Stormy Daniels, kuwaas oo guddi heer baarlamaan ah u sheegey waxa ay ogyihiin.

Trump hadda waa musharax madaxweyne, balse dacwadan kama hor istaagayso in uu la doorto markale, balse waxa ay samayn kartaa labo qodob oo isaga lid ku ah, koow ma ahan dacwad heer federaal oo uu haddii uu madaxweyne noqdo isaga iska cafin karo, sidoo kale waa dacwad ku filan in loo cuskado in codka kalsoonida uu u qaado aqalka Koongareeska, kadibna kursiga cod lagaga tuuro, waa haddii markale lasoo doortee.

Hadda welwelka ugu badan ee jira waa taageerayaasha Trump oo laga cabsi qabo in ay rabshado dhigaan, iyada oo la adkeeyay ammaanka Dacwad Oogaha degmada Manhattan Mudane Alvan Brag oo ah nin madoow, kaas oo loosoo diro hanjabaado badan oo dil ah.

Dhibka Trump ayaa sare usii kacay kadib markii mulkiilaha Majaladda National Enquirer uu qirtay in Kooxda Ololaha Trump uu kala shaqeeyay in lacag la siiyo Stormy Daniels, wargeyskana uusan daabicin warbixin uu ka diyaariyay gogoldhaafkii Trump.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: