Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa dalalka kaalmaha koowaad had iyo jeer ka gala musuqmaasuqa adduunka sida ay warbixino badan ku sheegtay Hay’adda Transparency International, sidaas oo ay tahay ma dhacdo dad badan oo maxkamad loosoo taago musuq ay geysteen, gaar ahaan dadka dowladda ka tirsan.
Hase yeeshee waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socota maxkamad lasoo taagay shan sargaal oo dhammaantood laga soo xirey garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan kadib markii lagu soo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xiriira musuq.
Sida uu sheegay xafiiska Xeer Illaalinta Guud, Saraakiishan ayaa dhammaantood qaabilsan laamaha soo xaraynta dakhliga dalka, balse ka tirsan ciidanka Booliiska.
Waxa ay ka shaqeeyaan xafiisyada Bangiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda, Laanta Socdaalka iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ayna u qaabilsanyihiin hawsha soo xaraynta Dakhliga.
Lama oga in kiiskooda uu yahay mid hal ah oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen iyo in kale.