Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee Adduunka ee Hugue ku taala ayaa waaran xarig u jartay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, kaas oo lagu eedeeynayo dambiyo la xiriiro in carruur laga qafaashay dalka Ukraine, lana geeyay Ruushka.
Dowladda Ruushka ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaadday eedaha, waxayna sheegtay in go’aanada maxkamadani aysan ka shaqayn gudaha Ruushka, maadaamaa dowladdani aysan ka mid ahayn kuwa saxiixay Cahdiga Rome ee lagu dhisay maxkamadda.
Balse madaxweynaha maxkamadda ayaa sheegay in Ruushka oo aanan saxiixin heshiiska lagu dhisay maxkamadda aysan waxbo ka badeleynin go’aanka maxkamadda maadaamaa dambiga meesha laga geystay uu yahay dhulka mid ka mid ah dalalka heshiiska saxiixay oo ah Ukraine.
Wax ka badan 40 dowladood ayaa dacwad ka dhan ah Ruushka u gudbiyay maxkamadda, taasi oo keentay in maxkamadda waaranka xarigga soo saarto.
Caadi ahaan maxkamadda ma leh awood fulineed, go’aanadana waxa dooq u leh in ay fuliyaan dowladaha xubnaha ka ah.
Balse xukunada maxkamadda waxa ay leeyihiin saamayn weyn oo dhanka sharciga ah iyo siyaasadda.