Connect with us

News

McCarthy oo ugu dambeyn loo doortay guddoomiyaha Koongareeska

Published

on

Kevin McCarthy ayaa ugu dambeyn noqday guddoomiyaha Aqalka Koongareeska Maraykanka, kadib illaa 15 wareeg oo doorasho ah oo markasta uu ku guuldaraysanayay.

Kevin oo aqalka la hadlay kadib markii lagu dhowaaqay natiijada ayaa yiri “Aabahay wuxuu markasta I oran jirey, ma ahan sida aad ku biloowdo , ee waa sida aad ku dhamayso”.

Wareegii ugu dambeeyay ayuu aqalka galay nooc u eg qalalaaso iyo foodo kadib markii xildhibaano ka tirsan Jamhuuriga ay kuraastooda ugu tageen xildhibaano ay isku xisbi yihiin oo diidanaa in ay Kevin doortaan, iyada oo la arkayay xildhibaanada oo faraha isku taagtaagaya.

McCarthy ayaa u mahadceliyay madaxweynihii hore Donald Trump oo la sheegay in uu si shaqsiyan ah ula hadlay xildhibaanadii diidanaa musharaxa, kuna qanciyay in ay codkooda siiyaan.

Shaqada u taala Aqalka ee ugu horeysa ayaa ah dhaarinta xildhibaanada Aqalka ku cusub oo todobaadkan oo dhan ku sugnaa xarunta, sugayayna in la dhaariyo.

Xisbiga Dimoqoraadiga ayaa u codeeyay musharax madoow ah oo lagu magacaabo Xakiim Jeffries , kaas oo heley illaa 212 cod.

Kevin ayaa xubnihii diidanaa ka ogolaaday shuruudo badan oo ay tahay, waxaana ka mid ah shuruudda ah in uu soo celiyo qodob ka mid ahaan jirey xeer hoosaadka Aqalka oo ah in hal xubin ay codsan karto in codka kalsoonida lagala laabto guddoomiyaha Aqalka.

%d bloggers like this: