Connect with us

News

Mudaaharaad Turkiga looga soo horjeedo oo kitaabka lagu gubay

Published

on

Mudaaharaad xooggan oo ka dhacay caasimadda dalka Sweden oo looga soo horjeedey diidmada dowladda Turkiga ee in Sweden ay ku biirto Gaashaanbuurta NATO ayaa lagu kubay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Arrintan ayaa si weyn uga sii caraysiisay Turkiga oo islamarkiiba joojiyay kulan heer wasiiro ahaa oo Sweden kala yeelan lahaa arrinta xubin ka noqoshada Sweden ee NATO.

Wax saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay falka islaam nacaybka ah ee ka dhacay Sweden xilli arrimaha la isku hayo ay yihiin kuwa siyaasadeed oo aanan diin shaqo ku lahayn.

Falka lagu gubey kitaabka ayaa ka dhacay meel u dhow safaaradda Turkiga ee Sweden, iyada oo dowladda Turkiga ay ka codsatay mas’uuliyiinta Sweden in dadka falkaasi geystey laga qaado tallaabooyinka ku habboon.

Wasiirka arrimaha dibedda Sweden Tobias Billstrom ayaa falalka islaam nacaybka ku tilmaamay kuwa aad u xun oo aanan loo dulqaadan karin.

Qur;aanka waxaa gubay Rasmus Paludan oo ah nin u dhashay dalka Denmark, balse haysta dhalashada Sweden, kaas oo madax ka ah urur xag jir ah , isaga oo marar hore Qur’aanka u gubey.

Mudaaharaadyadan ayaa ka dhashay kadib markii Turkiga ay shuruud ku xidhay in dalalka Sweden iyo Findland ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO si ay uga nabad galaan halista kasoo fool leh Ruushka oo hadda dagaal ku haya Ukraine. Shuruudda Turkiga ayaa ah in dalalkani laga eryo, lagana mamnuuco xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa mucaaradka Kurdiyiinta, taas oo Sweden u cuntami weysay sababo la xiriira xuquuqda aadanaha awgood.

%d bloggers like this: