Connect with us

News

Muhaajiriin cusub doomo ku galaya Maraykanka , kana imanaya jiho aanan la fileynin

Published

on

Muhaajiriin daraasiin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo deganayaan xeebaha dalka Maraykanka, iyaga oo ka imanaya jiho aanan laga filanaynin , halkaas oo ah dhanka jasiirada Carabean-ka loo yaqaano iyo Cuba, halkaas oo xaalado adag oo dhaqaale laga soo sheegayo.

Illaa 500 oo muhaajiriinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray xeebta Keys ee gobolka Florida sida uu sheegay booliiska gobolkaasi.

Booliiska ayaa sheegay in xaaladda ay gaartay heer aanan la xakamayn karin , iyada oo kooxaha gargaarka caafimaadka ay gacantooda ka badatay shaqada maadaamaa dadkani u baahanyihiin daryeel caafimaad.

Dowladda federaalka Maraykanka ayaanan durba ka jawaabin xaaladdan cusub ee soo korortay, iyada oo mas’uuliyiinta maxaliga ah ay sheegeen in awooddooda aysan daboolayn baahida hadda jirta.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: