Dhawr bas oo wadday dad muhaajiriin cusub oo hadda galay Maraykanka ayaa dadkii ku daadiyay meel u dhow guriga madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris , iyada heer kulka qaboowga Maraykanka uu marayo halkii ugu darnaa.
Mas’uuliyiinta gobolka Texas ayaanan caddaynin in talaabadan ay iyaga ka dambeeyeen, balse waxa ay arrintani la jaanqaadaysaa tallaabooyin hore oo maamul goboleedyada xuduudaha xiga ay ku doonayeen in ay cadaadis dheeraad ah ku saaraan xukuumadda madaxweyne Biden, si uu wax uga badelo siyaasadiisa dadka soogalootiga ah.
Illaa 110 qof ayay dhannaayeen dadka lagu dajiyay guriga Harris hortiisa sida ay sheegtay hay’adda SAMU Relief oo ah hay’ad gargaarta dadka taagta daran.
Dadka qaar ayaa xidhnaa funaanado, xilli heer kulka qaboowga Washington uu sii marayay -9 Digree.
Dadkan ayaa la huwiyay bustooyin, waxaana loo daabulay kaniisado ay ku hoydaan.
Barasaabka gobolka Texas oo ay basaskan ka yimaadeen Mudane Greg Abbott ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo arrinkan, balse wuxuu sheegay in maamulkiisa ay daabuleen illaa 15 kun qof oo muhaajiriin ah.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeynaya Biden iyo Harris in ay dabciyeen shuruucdii muhaajiriinta , islamarkaasna mas’uul ka yihiin dadka tirada badan ee inta dalalkoodii kasoo taga kusoo qulqulaya Maraykanka.