Ehalo iyo warbaahinta maxaliga ah ayaa tabinaysa dhacdo xanuun badan oo askari dowladda ka tirsan uu toogasho ku diley nin meherad yar ku haystay gurigiisa hortiisa magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa alaabo yaryar ku haystay darbiga gurigiisa oo ay waddo hormarto, halkaas oo uu isku dayayay in uu nolol maalmeedka ka raadsado.
Balse maanta ayay tiisa ku ekeyd kadib markii askari ka tirsan dowladda ay ku murmeen lacag canshuur ah oo shillin Soomaali ah oo dhan 5 kun , taas oo u dhiganta qeyb ka mid ah marka hal doolar afar qeybood loo dhigo.
Ehalada ninkani ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ay ka codsanayaan in caddaalada la marsiiyo askarigii falka geystay.
Arrimaha caynkan ah ayaa kusoo noqnoqday Muqdisho sababo la xiriira tabobarka askarta oo aad u liita iyo qaabka ay u shaqeeyaan oo dhaqan xumo badan lagu sheegay.
Ciidamada amniga ayaa xabsiga dhigay ninkii dilka geystay, iyada oo la hor geyn doono maxkamadda ciidamada qalabka sidda.