Marka aad internet-ka galiso magaca Muqdisho mid ka mid ah sawirada ugu caansan ee kuusoo baxaya waa dhismaha musawicii magaalada ee mar uu ka bixi jirey layrka maraakiibta haga, balse maanta wuxuu sabab u noqday musiibo dhif ah oo ka dhacday magaalada.
Kadib sanado badan oo aanan la dayac tirin dhismahan, dabcana laga maarmay shaqadii uu hayn jirey maadaamaa maraakiibta ay hadda adeegsadaan jiheeyeyaal casri ah oo ay kusoo gartaan dekeda weyn ee Muqdisho, ayaa keentay in uu dumo qeyb ka mid ah dhismahan taariikhiga ah.
Waxaa halkaasi degenaa qoys Soomaaliyeed oo sabool ah, waxaana meesha ku dhintay afar carruur ah kadib markii ay goobta ku hoos jireen wax ka badan 48 saacadood.
Dhismahan ayaa waxaa dhisey gumeystihii talyaaniga wax ka badan muddo hadda qarni laga joogo, wuxuuna ahaa kuwa dhifka ah ee ka haray burburkii weynaa ee gaaray caasimadda inteeda badan.
Meel aanan ka fogeyn dhismo ku yaala oo ah dhismihii Madxafkii Suldaan Siciid Barqash ayay dowladda hoose ee Xamar ku waddaa dayactir, balse dhismaha musawaca wax hawl ah oo laga qabtay ama muhiimad loo arkay hadda ka hor ma jirin.
Musawaca kale ee magaalada ku yiilay ayaa ku yaala albaabka laga galo Raadiyoow Muqdishoow, balse kaasi dhisme ahaan uma weyna kan xeebta liido oo kale.