Connect with us

Politics

Muuse Biixi oo sheegay in doorasho madaxweynenimo dhacayso

Published

on

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ay u fadhiyaan sidii ay go’aan uga gaari lahaayeen wadada ugu fiican ee lagu qaban karo doorashooyin madaxtinimo iyo tan xisbiyada ee Somaliland.

Waxa uu sheegay in aanan sidan lagu sii socon karin, dastuurkana uu qabo in shan sano kastala qabto doorashooyin madaxtinimo.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa iyaga qaba in la galo doorashooyin madaxtinimo, balse lagu galo xisbiyada qaran ee hadda jira, halka Muuse uu horeyna u qabay, haddane ku celiyay in loo baahanyahay xisbiyo cusub maadaamaa waqtiga xisbiyadii hore uu dhacay.

Dhawaqan ayaa Muuse kasoo baxay xilli weli ay socdaan dagaalada Sool, sharciyadda dowladnimo ee Somaliland-na ay gashay su;aashii ugu weynayd.

%d bloggers like this: