Connect with us

News

Muxuu Trump ka yiri maxkamadayntiisa?

Published

on

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku laabtay Florida, kadib markii uu si kooban uga soo hormuuqday maxkamad ku taala New York, iyada oo loo haysto 35 dacwadood.

Hadal uu jeediyay ayuu si been ah u sheegay in dhammaan khubarada sharciga isku waafaqsanyihiin in kiiska loo haysto uu yahay mid lasoo dhoodhoobay, mana uusan sheegin magacyada dadkaasi, iyada oo taasi cagsigeeda inta badan khubarada hadashay ay isla qireen in Trump dambiyada loo haysto ay yihiin kuwa sal adag leh.

Waxa uu weeraray Dacwad Oogaha Manhattan Alvin Brag oo uu ku tilmaamay nin isaga si shaqsiyan ah weerar ugu ah, isaga oo soo qaatay qoraal xaaska dacwad oogaha ay soo dhigtay Twitter-ka, balse markii dambe ay tirtay oo ay ku sheegeyso in Trump uu sharciga wajihi doono.

Waxa kale oo uu weeraray garsooraha maxkamadda, isaga oo sheegay in gabadhiisa ay u shaqayn jirtay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris, taas oo uu tilmaamay in ay muujinayso ujeeddo siyaasadeed.

Markii uu hadlayay waxaa garab taagnaa xubnaha qoyskiisa, xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ay xildhibaano ka midyihiin iyo taageereyaal kale.

Dhanka kale maxkamad ku taala Los Angeles ayaa ku xukuntay Stormy Daniels , haweenayda iyada darteed Trump loo maxkamadeynayo in ay shirkadda Trump u magdhowdo lacag ka badan boqol kun oo doolar oo ay shirkadda ku bixisay kiis gabadhani ay ka gudbisey Trump, kaas oo caddeyn loo waayay. Lacagta ayaa ah tii shirkadda Trump kaga baxday kiiska ay Stormy gudbisay.

%d bloggers like this: