Xilli ay aad u korortay tirada dadka sida sharci darada ah ee tahriibka ah ku galaya Maraykanka, kuwaas oo ay Soomaalida ka mid tahay ayay dowladda Maraykanka soo saartay sharci cusub oo lagu xakamaynayo qulqulka dadkaasi.
Sharcigani ayaa dhigaya in aanan magangalyo la siin doonin qof iska soo dhiibay xudduudda koonfureed ee Maraykanka , waxaana laga doonayaa qofkaasi in uu magangalyo weeydiisto dalka kale ee uu soo maray.
Sharcigani oo la mid ah mid 2019-kii uu keenay madaxweynihii hore Trump ayay balse laashay maxkamad ku taala dalkaasi, waxaana hadda la hubaa in dacwad kale laga geyn doono sharcigan.
Inkasta oo mamnuucis sal iyo baar ah aysan ahayn, haddane waxa ay saraakiisha xukuumadda Joe Biden sheegeen in kiiska qofka magangalyo doonka ah ay aad u adkaan doonto in laga aqbalo.
Sharcigan cusub ayaa dhaqangalaya 11-ka bisha May ee sanadkan, xilligaasi oo uu dhacayo waqtiga loo qabtay sharcigii hore ee Karoonaha ee loo yaqiinay Title 42, kaas oo laftiisa labo jeer ay maxkamad dib u dhigtay xilliga uu dhacayo.
Wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo tan caddaalada ayaa sheegay in haddii aanan wax laga qaban ay tirada soogalootiga Maraykanka maalin kasta gaari doonto 11 kun illaa 13 kun oo qof.
Dad gaar ah ayaase la aqbali doonaa sida da’yarta kaligood socda iyo dadka sida xoogga ah loosoo tahriibiyay iyo kuwa muujiyay xaalado halis ah oo daran in ay kasoo qaxayaan.