Connect with us

News

Muxuu yahay sharciga Title 42 ee sida weyn uga baqaan muhaajiriinta Maraykanka ?

Published

on

Waa qeyb yar ooba la iska hilmaamay oo ka tirsan sharci la dajiyay 1944-tii, kaas oo Magaciisu yahay Sharciga Illaalinta Caafimaadka Dadweynaha, qeybtan yarina waxaa lagu magacaabaa Title 42.

Markii uu dilaacay cudurkii safmareenka ee Karoonaha sanadkii 2020-dii, ayuu madaxweynihii markaasi joogay Donald Trump soo nooleeyay.

Sharciga ayaa dhigaya in si degdeg ah dalka looga tarxiilo qof kasta oo ka yimid dal kale oo mar dhow lagu sheegay ama laga heley cudur faafa.

Markani waxaa loo adeegsaday sharcigani in lagu hor istaago kumanaan kun oo soogalooti cusub ah, tanina waxa ay ahayd siyaasaddii uu ololaha doorashada ku galay madaxweyne Trump.

Sharciga waxa uu ciidamada kala duwan, gaar ahaan kuwa illaalda xuduudaha awood u siinayaa in ay islamarkiiba celiyaan qofka soo gudba xuduuda, kaas oo loo aqoonsaday in uu ka yimid dal cudurka Karoonaha laga sheegay.

Talaabada koowaad waa in lagu celiyo dalkii ugu dambeeyay ee uu qofkani soo maray, kaas oo markani inta badan ah Mexico oo daris la ah Maraykanka.

Waxa uu six ad dhaaf ah sharcigani u saameeyay dadka ka yimid Haiti, Venezuela iyo Hundurus.

Haatan sharcigii oo shaqayanayay 2 sano Trump dabadii ayuu waqtigiisa dhacayaa maalinta arbacada oo ay taariikhda ku aadantahay 21-da Diseembar, 2022.

19 gobol oo Maraykanka ka tirsan oo ay maamulaan xisbiga Jamhuuriga ayaa 3 xaakim ku sugan Virgian ka codsaday in uu dib u dhigo waqtiga uu sharciga dhacayo, balse waa ay diideen, waxayna go;aamiyeen in uu dhacayo xilligii loogu talogalay.

Balse maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa soo dhexgashay, waxayna go’aamisay in dib loo dhigo waqtiga uu sharcigani dhacayo.

Kumanaan qof ayaa ku xayiran xero ku taala magaalada El Paso ee dalka Mexico, halkaas oo dadkii ay buux dhaafiyeen, xaruntani ay xamili la’dahay dadka ku jira.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: