Booliiska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in nin dhallinyaro ah si bareer ah loogu toogtay , uuna ku dhintay xarunta ganacsiga Maraykanka ugu weyn ee Mall of America xilli dadka u si weyn ugu dukaamaysanayaan fasaxa kirismas-ka.
Taliyaha booliiska ee degmada Bloominton Booker Hodges ayaa sheegay in ninka la toogtay uu jiro 19 sano. Qof meesha taagnaa ayay sidoo kale jaakadiisa ka dhex baxday rasaasta.
Waxa ay booliiska sheegeen in labo kooxood oo dad ah ay murmeen, kadibna nin ka mid ah uu bastoolad lasoo baxay, dhawr baalootana ku dhufnay nin ka mid ah kooxdii kale.
Dadkii dukaamaysanayay ayaa ku kala cararay meesha xilli baqdin badan laga qabo weerar toogasho ah, sida marar badan ka dhacda Maraykanka.
Taliyaha booliiska ayaa ugu baaqay dadkii falka geystay in ay iso soo dhiibaan. Waxase uu saraakiisha booliiska uga digay in ay tuhmanayaasha ka caawiyaan in ay ka baxsadaan xarigga.
Tan iyo markii albaabada loo furey sanadkii 1992-dii, Mall of Amerika ayaa ahaa goob soo jiidata dalxiisayaasha. Inkasta oo hubka uu mamnuuc ka yahay in lala soo galo, haddane dadka galaya lama baaro. Bilo ka hor ayuusa maamulka xarunta sheegay in uu tijaabo ku wada qalabka hubka lagu baari.
Muuqaal laga heley kaamirooyinka aan libiqsan ee xarunta ayaa muujinaya dagaalka gacanta la isula tagay ee labada kooxood ka hor inta aanan bastooladda lagu dilin midkood.