Connect with us

Business

Nin gobolka Missouri kasoo jeeda oo qirtay fal uu dab qabadsiiyay masaajid

Published

on

Wasaaradda caddaalada Maraykanka ayaa shaacisey in nin u dhashay goholka Missouri uu qirtay in uu dab qabadsiiyay xarynta Cape Girardeau Islamic Center ee u dhow meesha lagu magacaabo Cape Girardeau , Missouri.

Sida ku cad diiwaanka maxkamadda, 24-tii bishii April 2020-kii, taas oo ahayd maalinkii koowaad ee bisha Ramadaan, ayaa nin lagu magacaabo Nicholas John Proffitt oo 44 jir ah uu dab qabadsiiyay xarunta Islaamiga ah oo uu masaajid ka mid yahay.

Falka waxaa duubay kaamirooyinka aan libiqsan ee xarunta , waxaana la arkayay Nicholas oo walxaha qarxa ku tuuraya xarunta, kadibna halkaasi uu dabka ka dhashay.

Dabka ayaa geystay qasaaro laxaad leh illaa heer xarunta la adeegsan waayo sida ay sheegtay wasaaradda Caddaaladda Maraykanka.

Nicholas ayaa sheegay in sababta uu u weeraray ay ahayd maadaamaa ay meesha ahayd xarun diimeed oo uusan isaga jecleysan.

Garyaqaan lagu magacaabo Kristen Clarke oo ka tirsan wasaaradda Caddaalada ayaa sheegtay in weerarka loo geystay xarunta islaamiga ah ay tahay xad gudub ka dhan ah xoriyadda diimaha, iyada oo intaasi ku dartay in wasaaradda ay baaritaan ku samayn doonto, islamarkaasna dabo geli doonto wax kasta oo xad gudub ah oo ka dhan diimaha.

Waa weerarkii seddexaad oo uu Nicholas ku qaaday xarun islaami ah, waxaana la sheegay in loo dirayo muddo xabsi ah oo dheer.

Xukunka kama dambeysta ah ee Nicholas ayaa lagu wadaa in uu dhoco 2-da bisha May ee 2023-da, wuxuuna wehejayaa suurtogalnimada 20 sano oo xarig ah iyo $250,000 kun oo ganaax ah.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: