Kursigii xildhibaanimada ee HOP203 ee uu baneeyay Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Bare ayaa shaqsi kale maanta loogu doortay magaalada Kismaayo.
Mudane Xasan Ugaas oo ka mid ahaa dadkii u ololeeyay kursigan sanadkii hore, balse ay u suurtogali weysay ayaa maanta kusoo baxay doorasho ka dhacday Kismaayo.
Xasan Ugaas oo ku magac dheer Xasan Majeerteen waa nin ganacsade ah oo haysta dhalashada Maraykanka, kana mid ah qurbajoogta Minnesota degen, sanadihii dhowaana wuxuu ka mid ahaa dadkii danaynayay siyaasadda Soomaaliya.
Xamse ayaa baneeyay kursigan sanadkan biloowgiisii sababo la xiriira xilka weyn ee uu hayo, waxaana la sheegay in uu garoowsaday in uusan labada xil isku hayn karin, inkasta oo aysan jirin xeer ka mamnuucaya in uu xildhibaan ahaado.