Nin 21 jir ah ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalada Maraykanka isaga oo loo haysto in uu ka dambeeyo faafinta sirta qaran ee Maraykanka taas oo dunida ka dhalisay buuq badan oo dublamaasiyadeed, kadib markii ay soo baxday in sirdoonka Maraykanka ay basaaseen madaxda iyo dowladaha saaxiibada la ah qaarkood.
Jack Teixeira ayaa lagu xirey magaalada Boston oo uu noolaa, isaga oo la noolaa hooyadiis oo ah waalidka kaliya ee gurigooda ku nool.
Waraaqaha sirta ah ee Maraykanka la faafiyay ayaa xitaa muujinaya in dowladda Maraykanka ay dabogal ku samaysay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.
Saaxiibadii ay iskuulka isla dhigan jirey oo u waramay Wargeyska The Boston Globe ayaa sheegay in uu ahaa nin xishood badan, aanan hadal badnayn, islamarkaasina ixtiraam badan, aysana aqoonin sida ay ugu suurtogashay in uu hesho sirta xajmigaasi laeg.
Waxa uu sanadkii 2019-kii ku biirey Ciidanka Illaalada Qaranka ee dhanka Cirka.
Shabakada lagu magacaabo Discord ee lagu bulsheeyo ayuu kula saaxiibay dad kala duwan, waana meesha uu kusoo bandhigay siraha ciidanka militariga Maraykanka oo ah kuwa aad xasaasi u ah.
Jack ayaa mar aan sii fogeyn laga qorey xerada Otis Air National Guard, isaga oo ay shaqadiisa ahayd in ka shaqeeyo qeybta aaladaha casriga ah , halkaas oo ay u badantahay in uu ka heley sirta qaran amaba ay u suurtogashay in uu jabsado xogta sirta ah.