Connect with us

News

Nin loo xirey labo masaajid oo uu Minneapolis ku gubey

Published

on

Nin lagu magacaabo Jackie Little ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira in uu si ula kac ah dab u qabadsiiyay labo masaajid oo ay Soomaalida leedahay oo ku yaala Minneapolis.

Ninkan haddii lagu helo dambigan waxa uu wajihi karaa 10 sano oo xabsi ah iyo $20,000 doolar oo ganaax ah.

Ninkan ayaa leh taariikhi aan fiicnayn oo hore sida warbaahinta gudaha ee Maraykanka tabisay, waxaana ka mid ah in dhawr sano ka hor lasoo gudbiyay codsi ah in isbitaalka dhimirka la geeyo.

Waxaa sidoo kale jirtay in mar la baafiyay sida qofka lumay loo baafiyo, iyada oo sidoo kale marna loo qabtay kadib markii la heley isaga oo sarqaansan oo gaari kaxaynaya.

Kaamirooyinka aanan libiqsan ayaa duubay ninkani markii uu falka masaajidada geysanayay, taasi oo horseedday in la ogaado qofka dambiga geystay.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: