Nin lagu magacaabo Amiin Asar oo ah nin islaam ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa hirgaliyay barnaamij la magac baxat Ramadan Camp, kaas oo carruuraha muslimiinta lagu barayo dhaqanka diinta iyada oo adeegsanayo dhanka qadka internetka.
Wuxuu soo galaa habeen kasta, waxaana hadda ku xirmay wax ka badan 90 kun carruur ah oo daafaha adduunka kala jooga, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 5 sano illaa 12 sano jir.
Amiin ayaa barnaamijkan bilaabay 2 sano ka hor, xaruntiisa waa guri garaash ah oo ku yaala Brooklyn Park, halkaas oo uu ka baahiyo barnaamijyo diinta la xiriira balse ay carruuraha aad uga heleen, kana duwan sidii hore ee carruurta wax lagu bari jirey.
Waxa uu sheegay Amiin in isaga koriimadiisii ay ku dhalisay arrintan maadaamaa uu sheegay markii uu carruurta ahaa aysan isaga u suurtogalin in uu dadka waaweyn la qeybsado barakada ramadhaanka , inta badana ay dhici jirtay in carruuraha da’dooda lagu takooro.
Hadda waa nin weyn oo reer iyo carruur leh, wuxuuna go’aansaday xilligii Karoonaha in uu fuliyo barnaamijkan oo hadda ku faafay dunida daafihiisa.
Barnaamijkan ayaa waxa uu aad u anfacay carruuraha ku nool meelaha dadka muslimiinta aadka ugu yaryihiin, aysana jirin xarumo diinta iyo dhaqanka lagu baro carruurta yaryar. Amiin ayaa qudhiisa ka mid ahaa carruuraha ku korey meelaha islaamka ku yaryihiin, isaga oo faquuq kala kulmay carruuraha kale ee diimaha kale haysta.
Amiin waxa uu sheegayaa in isbadelka ugu weyn uu ka biloowdo maskaxda ilmaha yar, halkaasna ay tahay in xoogga la saaro.