Connect with us

Health

Qaboow lafo xanuun ah kii ugu darnaa oo ku dhuftay Maraykanka

Published

on

Qaboowgii ugu darnaa taariikhaha dhow ayaa ku dhuftay dalka Maraykanka , kaas oo sababay in quwadda korontad tagto meelo badan, dadkuna ay baajiyaan dhammaan isu imaatinadii xilligan oo lagu jiro fasaxyada sanadka.

Qaboowgan ayaa saameeyay wax ka badan 60% shacabka ku dhaqan Maraykanka,iyada oo illaa 200 milyan oo qof ay ku jiraan xaalad isha lagu wada hayo.

Wax ka badan 1.4 milyan oo huryo ayay korontada ka tagtay xilligii loogu baahida badnaa, waxaana sidoo kale qeyb ka ah ganacsiyo dansan.

Wax ka badan 4600 duulimaad oo gudaha iyo banaanka Maraykanka ayaa la joojiyay sababo la xiriira hawada oo aad u xun iyo aragtida oo liidata.

Xeeldheereyaasha odorasa hawada ayaa ka digaya in xaaladda barafka iyo qaboowga uu aad uga sii dari karo guud ahaan Maraykanka iyo Canada.

Meelaha qaar dalka waxaa ka dhacay shirar gaadiid oo hawada xun ugu wacantahay, waxaana ku waxyeeloobay dad badan.

Qaboowga waxa uu ugu sii daranyahay dadka hoy la’aanta ah iyo muhaajiriinta tuban xuduudda Mexico ee sugaya go’aan maxkamadeed.

%d bloggers like this: