Labo weerar oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaas oo todobaadyo ka hor laga saaray kooxda Alshabaab.
Qaraxyadan oo la geystay aroornimadii hore ee maanta ayaa la sheegay in aysan geysan qasaaro ka turjumi kara baaxada uu qaraxa la ekaa.
Mid ka mid qaraxyada ayaa lala eegtey goob ay degenaayeen mas’uuliyiin uu ka mid ah xildhibaan heer federaal ah, halka kan kalena uu ka dhacay goob shacabka ku badnaayeen, ciidamadana joogeen, waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhawac ah
Dadka ku dhaawacmay ee la xaqiijiyay waxaa ka mid ah guddoomiyaha degmada Ceelbuur oo aanan weli la tagin iyo sidoo kale weriye ka tirsan warbaahinta dowladda.
Inkasta oo Alshabaab la saaray, haddane waxa ay weli awood u leeyihiin in ay fuliyaan qaraxyada caynkan ah.