Connect with us

News

Qodobo dhegaha dadka ku cusub oo kasoo baxay shirk waxbarashada

Published

on

Shirweynihii waxbarashada ee beryahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa soo gebogeboobay, waxaana laga soo saaray go’aano masiiri ah oo ku saabsan waxbarashada Soomaaliya.

Inkasta oo inta badan go’aanada ahaayeen kuwa lasii saadaalin karay, haddane waxaa ku jira qodobo ku cusub dhegaha dadka, xiiso gaar ahna leh marka laga hadlayo fikradaha cusub ee kusoo kordhaya nidaamka waxbarashada dalka.

Waxaa ka mid ah in dugsiyada Qur’aanka loo aqoonsaday muhiimadda koowaad ee waxbarashada asaasiga ah, wixii hadda ka dambeeyana lagu samayn doono kormeer, loona dajin doono siyaasad gaar ah oo lagu maamulo, iyada oo hawshaasi si wadajir ah isaga kaashanayaan wasaaradda waxbarashada iyo tan diinta.

Waxa dugsiyada Qur’aanka loo jiheyn doonaa dhanka waxbarashada tooska ah, iyada oo ardayda dugsiyada qur’aanka ka baxda loo aqoonsan doono illaa fasalka 4-aad ee dugsiga hoose, waa haddii laga helo shuruudo gaar ah oo la dajiyay.

Qodob kale oo go’aanada ka mid ah ayaa ah in wasaaradda waxbarashada ay dhisto dugsiyo sare oo ah farsamada , iyada oo la kaashanayo maalgalinta gudaha iyo dibedda iyo deeqbixiyeyaasha. Waa qodob cusub oo la doonayo in dhallinyarada loogu diyaariyo suuqa shaqada, laguna soo saaro jiil leh xirfado sare oo ay ku shaqaystaan.

Ugu dambeyntii qodob kale ayaa ah in la kordhiyo macalimiinta dumarka ah, iyada oo la xoojinayo goobaha tabobarka macalimiinta.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: