Connect with us

News

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay 3 qorshe waaweyn oo sanadkan la dhamaystirayo

Published

on

Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Bare oo magaalada Qaahira kula hadlayay dad Soomaaliyeed oo halkaasi ku nool ayaa sheegay in sanadkan uu dowladda u degenyahay qorshe 3 ka kooban , kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadan kara dowladnimada Soomaaliya.

  1. Waxa ay kala yihiin in bisha sebtembar lasoo afjero barnaamijka deyn cafinta, Soomaaliyana laga dhaafo dhammaan dayntii lagu lahaa taasi oo sahlaysa in dowladda qaadato lacago deymo ah oo ay kaga shaqayso horumarinta dalka. Xamse waxa uu qabaa in marka lacagaha deymaha la helo laga shaqeeyo dhanka horumarinta kheyraadka aadamiga ah, balse wuxuu sheegay in dood laga gali doono sidii wax la yeeli lahaa.
  2. Ciribtirka Alshabaab : Wuxuu ra’isulwasaaraha sheegay in sanadkan lagu soo afjarayo ururka Alshabaab, lagana saari doono dhammaan deegaanada ay haystaan, lagana xoreyn doono dalka.
  3. Dhamaystirka dastuurka : Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in dastuurka ay gashay shaqo xoog leh, baarlamaanadii horena ay si wanaagsan uga shaqeeyeen, iyada oo hadda la doonayo in go’aan laga gaaro 9 qodob oo waaweyn oo ay meeqaamka caasimadda ka mid tahay. Wuxuu intaasi ku daray in qodob kasta uu ka yaalo 3 doorasho , ayna tahay in mid la qaato. Wuxuu qirey in ay jiraan culeesyo siyaasadeed, balse looga gudbi doono geesinimo, aysana jirin dookh kale oo madaxda Soomaalida maanta u yaala oo aanan ahayn in hawshaasi la dhamaystiro haddii la doonayo in horey loo socdo.

Dhanka kale Ra’isuwasaaraha ayaa markii ugu horeysey faahfaahin ka bixiyay dagaalka dhaqaalaha ee lagula jiro ururka Alshabaab.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in Alshabaab ay markii hore gaareen heer iyaga ay fan gareeyaan ururada kale ee argagixisada Afrika, Soomaaliyana ka abaabulaan duulaanada dunida kale lagu qaado, iyada oo uu xusey in adduunyada go’aansaday qorshe lagu magacaabo ‘halkooda ku haya’ ama waxa loo yaqaano ‘containment policy’.

Balse wuxuu sheegay in dagaalkii ay xukuumadda ku qaadday ururkan, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha lagu xirey 250 sanduuq bangi oo ay ku lahaayeen 4 bangi oo Soomaaliya ku yaala. Waxa kale oo uu sheegay in ay xireen 70 nambar taleefoon oo lacaha danabaysan loogu dirayay.

Lacagahan ayuu sheegay in dowladda meel ku hayso, dadkii xoogga looga qaadana loo ballanqaaday in dowladda siin doonto lacagtooda.

Xoolihii ay ka uruursan jireen reer miyiga ayuu sheegay in ay meesha ka baxday kadib markii ururkani laga saaray deegaano badan, taasina ay ka qeybqaadatay in qalalaase dhaqaale uu soo wajoho Alshabaab.

Ra’isulwasaaraha oo ku dheeraaday dagaalka xukuumadiisa ay kula jirto Alshabaab ayaa sheegay in sanadkan ay qasab tahay in lasoo afjero ururkani, lagana saaro meel kasta oo ay Soomaaliya ka haystaan.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: