Connect with us

News

Sagaalka Qodob ee ee ka dhiman dhamaystirka dastuurka

Published

on

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta dowladda ku sheegay in 5 ka mid ah 9 kii qodob ee dastuurka ee u baahnaa heshiiska siyaasadeed looga heshiiyay shirkii madaxda ee dhowaanta ka dhacay Baydhabo.

Madaxweynaha federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan meel fagaaro ka hadlayay ayaa sheegay in dhamaystirka dastuurka laga soo doodayay 11-kii sano ee lasoo dhaafay, haatana lasoo gaaray xilligii lasoo afjari lahaa, isaga oo intaasi ku daray in qodob kasta uu ka yaalo 3 kala doorasho oo mid uun lagu heshiin karo.

Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Bare ayaa bilo ka hor mar uu ka hadlayay magaalada Qaahira isna sheegay in sanadkan gudihiisa lasoo gabo gabayn doono qabyo-tirka dastuurka.

Haddaba waa kuwee qodobada 9-ka ah ee dhamaystirka dastuurka u xayirnaa mudadaasi dheer .

  1. Qodobka 44-aad ee dastuurka : Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah
  2. Qodobka 54-aad ee dastuurka : Qoondeynta Awoodaha
  3. Qodobka 122-aad ee dastuurka : Maamulka Maaliyadda
  4. Qodobka 46-aad ee dastuurka  : Nidaamka Metelaadda doorashooyinka iyo xisbiyada
  5. Qodobka 49-aad ee dastuurka : Sharciyeynta Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka
  6. Qodobka 51-aad ee dastuurka : Xiriirka iyo wadashaqaynta Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka
  7. Qodobka 105-aad ee dastuurka : Qaab dhismeedka Garsoorka
  8. Qodobka 90-aad ee dastuurka : Awoodda Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha
  9. Qodobka 9-aad ee dastuurka : Maqaamka Caasimadda Muqdisho

Heshiiskii dhowaa ee Baydhabo iyo kii ka horeeyey ee Muqdisho ayay diidday dowlad goboleedka Puntland, balse waxaa muuqata in dowladda dhexe ay meelmarinayso heshiisyadan iyo ansixinta dastuurka oo aanan loo hakan doonin Puntland maadaamaa aqlabiyadda maamulada kale ay taageersanyihiin qodobada lagu heshiiyay.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: