Connect with us

News

Sanduuqa Lacagta Adduunka oo sheegay in Soomaaliya deymaha laga wada cafinayo

Published

on

Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan gebi ahaanba Soomaaliya laga cafinayo deymihii lagu lahaa kadib markii horumar weyn laga sameeyay shuruudihii ku xirnaa deyn cafinta.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii todobaadkii hore wefti heer sare oo sanduuqa ka socda ay booqdeen dalka, lana kulmeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda.

Weftigan ayaa celiyay warbixin ah in Soomaaliya ay soo gaartay heerkii deynta laga wada cafin lahaa, lana qaaday tallaabooyin wax ku ool ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay ansixiyay sharciyo dhawr ah oo muhiim u ahaa arrimaha deyn cafinta, kuwaas oo uu saxiixay madaxweynaha si ay sharci u noqdaan.

Deynta Soomaaliya ayaa markii hore ahayd wax ka badan $5 bilyan oo doolar.

%d bloggers like this: