Connect with us

News

Saraakiil ciidanka Soomaaliya oo lagu jirdiley garoonka Aadan Cadde

Published

on

Sida ay sheegayaan xogaha uu helayo Somali American TV, 30 sargaal oo tabobar ugu maqnaa dalka Masar ayaa si xun loogu bahdiley garoonka Aadan Cadde, loona geystay jirdil markii ay dalka kusoo laabteen.

Saraakiishan oo horey tabobar ugu soo qaatay dalka Turkiga ayaa bilo ka hor loo direy dalka Masar, halkaas oo ay caqabado dhanka afka kala kulmeen dugsigii tabobarka ee ay tageen, kadibna halkaas uu ka dhacay gacan-qaad dhexmaray Soomaalida iyo Masaarida.

Markii safaaradda Soomaaliya ay arrinkii dhacay kala hadashay Masaarida, ayay madaxdii ciidamada ka xumaadeen arrinkii, waxayna dib dalka ugu soo celiyeen saraakiishii, iyaga oo soo raaciyay waraaq ashtako anshax xumo ah oo ay saraakiisha ku eedeynayaan.

Markii saraakiisha ay kasoo dageen garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa dhacday  in ciidan ay ka darajo sareeyaan loo diyaariyo, halkaasna la isku gacan saaro. Ugu dambeyn waxaa saraakiisha la geeyay xarunta talista, halkaas oo lagu xirey, laguna jirdiley.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: