Connect with us

Health

Sharci banaynaya xashiishka oo la horkeenay baarlamaanka Minnesota

Published

on

Xildhibaanada xisbiga Dimoqoraadiga ayaa labada Aqal ee baarlamaanka Minnesota horkeenay sharci ogolaanaya in dadka waaweyn ay iibsadaan, islamarkaasna isticmaalaan xashiishka loo yaqaano Marijuwana.

Sharcigan oo lasoo jeediyay 2 sano ka hor ayaa meelmari waayay sababo la xiriira Aqalka Sare oo markaasi ay aqlabiyadda ku lahaayeen xisbiga Jamhuuriga.

Balse hadda aqlabiyadda labada aqal waxaa haysta xisbiga Dimoqoraadiga oo ay u sahlantahay in uu sharcigani meelmariyo.

Xildhibaan Zack Stephenson, oo ka mid ah mudanayaasha taageersan xeerkan ayaa sheegay in uu xeerka meesha ka saaraya dadkii tirada badnaa ee xabsiyada ku muteysan jirey in ay isticmaaleen xashiishka.

Waxa uu xeerka ogolaanayaa in uu iibsan karo xashiishka qofkii gaara da’da 21 iyo wixii ka weyn.

Qodob kale oo loo cuskaday sharcigan ayaa ah in si aan dheelitirnayn uu xashiishka u saameeyay dadka madoowga ah oo intooda badan xabsiyada ku galay xashiishka awgiis, iyaga oo aanan gelin dambiyo kale.

Sharciga cusub ayaa shuruud ka dhigaya in qofka uu qaato shatiga lagu iibiyo, islamarkaasna bixiyo canshuur, iyada oo xashiishka loo tixgalin doono ganacsi sharci ah.

Xeerkan ayaa ka dambeeyay kadib markii bishii Oktoobar uu madaxweyne Biden sheegay in uu dad badan oo xabsiyada ku jira ka cafin doono dambiyada la xiriira xashiishka.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: