Sharci cusub ayaa dhaqangalaya 3-da bisha Janaayo ee soo socota, kaasi oo xakamaynayafursadaha xildhibaanada labada aqal ee Minnesota, wuxuuna sharciga ka hadlayaa in xildhibaanka uusan u shaqayn karin shirkadaha ka shaqeeya ololaha siyaasadda.
Inkasta oo sharciga u baahanyahay in uu meelmariyo aqalka sharci dajinta, haddane waxa uu durba abuurey walaac siyaasadeed.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Minnesota ayaa u diiwaangashan shirkado kale in ay ka shaqeeyaan, islamarkaasna ah xildhibaano lasoo doorto.
Kurt Daudt oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga , markii todobaadna ka mid noqday aqalka sharci dajinta iyo Ruth Richardson oo ka tirsan xisbiga dimoqoraadiga, markii sedexaadna lasoo doortay ayaa ka mid ah xildhibaanada uu sharcigani sida tooska u saamaynayo sida ay tabisay warbaahinta MPR.
Si kastaba ha ahaatee, sharcigani ayaanan loo ogeyn sida loo dhaqangalin doono iyo sida loo turjuman doono.