Connect with us

News

Shirweynaha Culumada oo ka fatwoonaya Alshabaab

Published

on

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay shirweynaha culumada Soomaaliyeed, kiisii labaad tan iyo intii madaxweyne Xasan Sheekh dib loogu doortay xilka 7 bilood ka hor, wuxuuna markan shirka daarranyahay in laga soo saaro fatwo ka dhan ah ficilada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa sheegay in 10-kii culumada ee todobaatameeyadii lagu toogtay xeebta Jasiira ay ka hor yimaadeen xeerkii qoyska, balse maanta la haysto boqolaal culumo ah oo kasoo horjeedsata qaladka kale oo dalka ka dhacaya oo diinta kasoo horjeeda oo ay Alshabaab waddaan.

Culumada ayaa ka kala timid adduunka daafihiisa , waxayna dhammaan ka mideysnaayeen in ay kasoo horjeedaan fikirka Alshabaab ee leexsan, kaasi oo lagu banaystay dhiigga dadka shacabka ah.

Fatwada ka sokoow waxaa shirka lagu asaasi doonnaa hay’adda culumada Soomaaliyeed oo iyada ka fatwoota waxyaabaha muhiimka ah ee diinta ku saabsan sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu gebogebo marayo la dagaalanka Alshabaab, lagana saaray meelo badan oo ka mid ah dalka, weeraradooda goobaha muhiimka ahna ay tiir dhigeen.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: