Waxaa todobaadyadani ay diiradda kortay ciidamada la sheego in ay haystaan tabobarka gaarka ah ee Danab kadib markii bishii hore weerar noociisa aanan horey loo arag ay Alshabaab ku qaadeen xero ay ciidankan degenaayeen, halkaasna ku laayeen wax ka badan boqol askari iyo taliyahoodii sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Dowladda ayaa aad u qarisay tirakoobka dhimashada iyo baaxadda qasaaraha ka dhashay weerarkii degmada Galcad, balse waxay xeeldheerayaasha amniga isku waafaqsanyihiin in uu ahaa weerarkii ugu qasaaraha badnaa, iyada oo uu sabab u noqday in gebi ahaanba dib u eegis lagu sameeyo qorshaha hawlgalka ciidamada Danab ee uu Maraykanka taageero.
Xerada lagu tabobaro ciidankan waxa ay ku taalaa garoonka Ballidoogle ee Shabeelaha Hoose, halkaas oo shalay munaasabad ka dhacday uu goobjoog ka ahaa Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Bare iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Andre.
Xeradan ayaa loogu magacdaray taliyihii Danab ee Galcad lagu diley Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan oo Tuuryare ku magacdheer.
Xeradan waxaa ku sugan boqolaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo shaqadooda ay tahay in ay tabobaraan ciidanka Soomaalida , waxaa intaasi u dheer kaalin magaceeda lagu sheegay ‘la talin’ , balse xaqiiqda ay tahay ‘u talin’ maadaamaa ciidankan Danab ay ka amar qaataan Maraykanka, taliska ciidanka Xoogga Dalkana uusan wax saamayn badan ah ku lahayn.
Inkasta oo ciidankan lagu sheego in uu haysto tabobar sare, haddane mudada la tabobaro waa seddex bilood oo kaliya, taas oo kala bar ka yar xiliga la tabobaro ciidanka booliiska. Askariga 3 bil kaliya soo tabobartay ayaa horey laga galiyaa furimaha dagaalka, arrintaas oo su’aal weyn ay haatan ka timid kadib weerarkii Galcad.
Dhammaan ciidamada ay tabobaraan Turkiga, Masar, Itoobiya, Eritrea, Jabuuti iyo dalalka kale ayaa mara tabobar ka badan 3 bilood, lamana oga sababta ciidanka Danab mudadaas kooban loo siiyo tabobarka.
Hase ahaatee waxa ay ciidankan haystaan qalab iyo gaadiid ku filan oo inta badan siisa gacan sareynta marka ay hawlgalada sameeyaan, iyada oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay dusha sare ka caawinayaan markasta oo ay dagaal galayaan.
Dowladda Maraykanka oo si weyn u qarin jirtay xogta ciidankan ku saabsan iyo guud ahaan hawlgalkeeda Soomaaliya ayaa dhowaanahan galaangal dhif ah siisay saxafiyiin reer Galbeed ah oo kasoo waramay gudaha xeryaha tabobarka, halka qaar kale ay hawlgalo u raaceen ciidamada Danab, balse sidaas oo ay tahay weli wax badan lagama oga ciidankan.
Astaamaha la majeerto ee ciidankan ayaa waxaa ka mid ah in marka lasoo xulanayo la waafajiyo astaamo dhif ah sida dhismaha jirka ee qofka, caafimaad qabkiisa, in ilkihiisa ay dhamaystiranyihiin, aragiisa uusan kala dhantaalnayn, itaalkiisa uusan ka yarayn in la jaangooyay, islamarkaasna uusan lahayn wax balwad ah. Dhammaan waa astaamaha caadiga ah ee ciidamada lagu xulo, balse ciidanka Soomaaliya guud ahaan arrimahaasi ma lahan duruufaha dowlad burburkii ay keeneen awgiis.
Danab ayaa ah ciidamo guurguura oo aanan meelna ku hakan, waxayna u shaqeeyaan qaabka ku dhufo oo ka dhaqaaq, iyaga oo Shabaabka ku weerara si kadis ah meelaha ay joogaan, taas oo looga dan leeyahay in kooxdani Alshabaab aysan helin xasilooni iyo kalsooni buuxda oo ay meel ku haysato, markastana ay fishaan in weerar kusoo wajahanyahay.
Balse dhacdadii Galcad waxaa la sheegay in uu dhacay qalad laga baaqsan karay maadaamaa Alshabaab ay fursad u heleen in ay fadhiga ku haleelaan Danab, waxayna xerada ku weerareen wax ka badan kun dagaalamayaal oo bidha oogga waabariga duulaan adag ku ekeeyay xeradii ay ciidanka degenaayeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaasi uu Maraykanka kasii warhayay ama ugu yaraan la ogaa saansaanta abaabulka Alshabaab ay aagga ka wadday.
Sababahaasi isbiirsaday awgood ayaa lagu soo waramayaa in Maraykanka uu dameerayo in uu dabarka u rito qeyb ka mid ah mas’uuliyadda dayicii dhacay, taasina ay keentay in dhawr jibaar magdhow la siiyo qoyskii Gaashaanle Tuuryare, damaanad amni iyo shaqaalaysiinba la siiyo xubno qoyskiisa ka mid ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aanan shaki ku jirin kaalinta ay Danab kaga jirto ka xoreynta dalka ee Alshabaab, waxayse su’aali ka taagantahay illaa heerka ciidankani ay hoostagi doonaan dowlad Soomaaliyeed?.