Wararka horudhaca ah ee kasoo baxaya weerarkii Alshabaab xalay ku qaadday deegaanka Janaa Cabdalle oo ay joogeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa federaalka ayaa sheegaya in uu ahaa weerarkii ugu cuslaa ee sanadahan dhow ay qaado kooxda.
Kooxdani ayaa la sheegay in wax ka badan 100 nin oo gashan jaakado qaraxyo ah ay markaliya ku qamaameen xeryadii ciidanka oo dhawr jiho kala degenaa, waxaana la socday gaadiid iyaguna qaraxyo lagu rakibay.
Waxaa sidoo kale dabo socday boqolaal dagaalamayaal ah oo qoryaha min labo qasnadood ku rakibtay, markaliyana fargadda qabtay.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in kooxdani ay si kumeelgaar ah ula wareegtay gacan ku haynta saldhigyadii ay weerartay , sidoo kalena ay qaateen wax ka badan 10 gaadiidka dagaalka oo qoryo ku rakibanyihiin, gaar ahaan gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha.
Qasaaraha ciidanka ayaa la sheegaya in rasmi ahaa uu kor u dhaafayo 20 dhimasho ah, iyo dhaawac intaasi ka badan, iyada oo goobaha caafimaadka Kismaayo ay buux dhaafiyeen dad ehelkooda booqanaya.
Janaa Cabdalle waa deegaan dhanka waqooyi ka xiga Kismaayo qiyaastii 60 kiilo mitir, waxaana fadhiyay afar ciidan oo kala duwan, oo kala ahaa ciidanka Daraawiishta Jubbaland, Nabad Suggida Jubbaland, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa gaarka u tabobaran ee Danad, mid kastana waxa ay kala degenaayeen afar xero, iyaga oo si maalinle ah u samayn jirey hawlgalo ay mararka qaar kusoo bandhigi jireen dagaalamayaal Alshabaab oo ay laayeen.
Labo maalmood ka hor ayay soo bandhigeen dhawr ka mid ah kooxdani oo uu nin madax ah ka mid yahay oo ay hawlgal kusoo dileen.
Janaa Cabdalle waa deegaan istaraatiiji ah oo ay soo galaan afar waddo oo muhiim ah, waxayna muddo dheer xarun u ahayd Alshabaab oo bil ka hor dagaal looga saaray.
Iyada oo waxaasi oo dhan ay jiraan ayuu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe isla saakay ka dhoofay dalka, wararkana waxa ay sheegayaan in uu u kicitimay Dubai oo uu reerkiisa degenyahay.