Wasiirka maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa idaacadda dowladda Jarmalka ee DW u sheegay in dekeda Berbera ay tahay ‘sac u irmaan Somaliland’ waa sida uu hadalka u dhigaye, islamarkaasna aysan wax welwel ah ka qabin canshuur dhaafka laga samaynayo aagga canshuurdaha ka caaggan ee xeendaabka dekeda laga dhisayo.
Waxa uu sheegay in dekeda ay hadda ka helaan 63% dakhliga soo gala Somaliland.
Dhanka kale , agaasimaha shirkadda DP World ee berbera maamusha ninka lagu magacaabo Mudane Supachai Wattanaverachai oo u dhashay dalka Thailand ayaa sheegay in dekeda Berbera ay abuurtay dhaqaale dhan $116 milyan oo doolar shantii sano ee lasoo dhaafay kadib maalgalintii lagu ay shirkadda ku samaysay.
Waxa uu intaasi ku daray in sidoo kale dekeda ay shaqo ka heleen 2,700 qof, iyada oo dowladda sanadkiiba ay ka hesho dakhli dhan $87 milyan sanadkiiba.
Xeeldheerayaasha dhaqaalaha ayaa sheegay in Somaliland oo dadkeeda yaryahay aysan xamili karin maalgashiga intaasi la’eg, balse si weyn loogu xisaabtamayo dalka Itoobiya oo dadkiisa boqol milyan ay kor u dhaafeen, 90%-na wax kala soo dega dekeda Jabuuti.
Labo meelood marka sedex loo dhigo badeecada kasoo degta dekada waa mid loo gudbiyo dalka Itoobiya oo dekedana loogu talogalay in ay wax kala soo degto.
Maamulka dekeda iyo dakhliga kasoo xaroodo ayaa ayaa loo kala qeybsaday DP World o oleh 65% iyo Somaliland o oleh 35%.
DP World ayaa maalgashatay dekado ku yaala 32 dal oo 12 ka mid ah ay Afrika ku yaalaan.