Connect with us

News

Somaliland oo dacwad qiyaano qaran kusoo oogeysa guddoomiyaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif

Published

on

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylihi ayaa sheegay in guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif u uku xad gudbay jiritaanka Somaliland.

Waxa uu sheegay markii uu Cabdirisaaq taageeray go’aankii guddiga 33-da ee Khaatumo uu ka talaabay xeyndaabkii iyo xudduudii Somaliland, ayna u arkaan nin galay dambi weyn.

Go’aanka guddigaasi Khaatumo ayaa ahaa in la diiday gooni isu taagga Somaliland, gobolada SSC-na ay hoos tagaan dowladda federaalka ah.

Hadalkan madaxweyne ku xigeenka SL ayaa wadada u xaari kara in mooshin xil ka qaadis ah laga keeno Cabdirisaaq Khaliif, kadibna lagu soo oogo dacwad qiyaano qaran isaga oo maqan.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa weli isku haya gobolka Sool, iyada oo ay shaqayn waayeen dhammaan dedaaladii nabadda lagu raadinayay.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: