Connect with us

News

Sool iyo Sanaag oo hoos tagaya dowladda federaalka , iyaduna ka aamusantahay

Published

on

Shir maalmo badan magaalada Laascaano uga socday Garaadada iyo guddi 13 ah oo bulshada laga soo xulay ayaa lagu go’aamiyay in bulshada ku dhaqan Sool , Sanaag iyo Cayn in aysan ka tirsanayn Somaliland, taasi badelkeedana ay hoos imanayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aanada ayaa si cad loogu sheegay in dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay ayidsanyihiin, kuna dhaqmayaan dastuurka kumeelgaarka ah ee federaalka Soomaaliya.

Islamarkii go’aanada lasoo saaray ayaa waxaa magaalada ka biloowday dagaal la sheegay in ay soo qaadeen ciidamo taabacsan Somaliland , iyada oo qasaaraha iyo dhimashada ay badantahay, welina uu dagaalka socda.

Sidaas oo ay tahay, dowladda federaalka ayaanan weli wax hadal ah kasoo saarin xaaladda Laascaano oo la xiriira dagaalada iyo go’aanadaba ah.

Waxaase isa soo taraya cadaadiska la saarayo dowladda federaalka in ay moowqif ka qaadato Sool, iyada oo ay dhanka kale jiraan isku dayo ay waddo dowladda Jabuuti oo la sheegay in federaalka ay ku riixayso in aysan dhinacna la safan.

%d bloggers like this: