Jawaabta su’aasha ciwaanka waa ‘Maya;, balse waxa ay u egtahay in hadda ay bilaabatay hawl arrintaasi suurtogal looga dhigi karo kadib markii dowladda Soomaaliya ay arji cusub u qoratay Maraykanka.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane Jibriil iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Muqdisho Mudane Lary Andre ayaa kala saxiixday arji Soomaaliya ay ku dalbanayso in ay xubin kaga noqoto dalalka Afrika eek u jira mucaahadada AGOA oo ah mid dalalka Afrika u ogolaanaya in ay wax soosaarkooda u iib geeyaan suuqyada Maraykanka oo ay aad u adagtahay in badeeco la geeyo.
Illaa iyo 37 dal ayaa qeyb ka ah heshiiska AGOA, Soomaaliyana waxaa looga baahanyahay in ay soo buuxiso shuruudo badan oo ay ka mid tahay in ay fuliso siyaasadaha Suuqa Xorta ah, la dagaalanka musuqa, dowlad wanaagga iyo kuwa kale oo badan.
Madaxweyne Biden ayaa dhowaan 10 sano oo waqti dheeraad ah ugu daray heshiiska AGOA oo markii muddo la joogaba dib u eegis lagu sameeyo, waxaana la sheegay in looga danleeyahay heshiiskani in lagu kobciyo dhaqaalaha Afrika.
AGOA waxaa laga soo gaabiyay African Growth and Opportunity Act ama Xeerka Koboca iyo Fursadaha Afrika, waxaana la saxiixay sanadkii 2000, iyada oo uu meelmariyay Koongareeska Maraykanka, waxaana ku xusan wax ka badan kun nooc oo badeecooyin ah oo suuqyada Maraykanka lagu geyn karo si canshuur la’aan ah , waa marka sheeygaasi yahay wax soosaarka asalka ah ee dalka xubinta ka ah heshiiskan.
Lama oga sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto heshiiskan, balse haddii Soomaaliya ay ku biirto, waa talaabo kale oo horey loo qaaday.