Dowladda Cuba ayaa safiir usoo magacaabatay Soomaaliya 46 sano kadib dagaalkii 1977-kii ee ay galeen Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ay Cuba la safatay Itoobiya.
Cuba ayaa kumanaan ciidamo ah iyo taangiyo usoo dirtay Itoobiya, iyaga oo xitaa dhabarjabin ku sameeyay ciidamadii Soomaaliya. Sababta ayaa ahayd in Cuba iyo Itoobiya ay xiligaas ka wada tirsanaayeen Isbahaysigii Shuuciyadda ee Soviet-ka uu hormuudka ka ahaa, halka Soomaaliya ay markaas uun isaga baxday isbahaysigaas kadib markii ay diiddey soojeedintii Ruushka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Cuba usoo dirsatay Soomaaliya Juan Manuel Rodriguez.
Maanta Soomaaliya iyo Cuba isbadelo waaweyn oo xagga xukunka ah iyo nidaamka dowladnimada ayaa ka dhacay.
Dalal aad u tiro badan ayaa safiiro usoo dirsanaya Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xitaa aysan kala caddayn dahana muhiimka ah ee safiir dal loogu soo diro, waxayse u egtahay in fursadaha shidaalka iyo marin biyoodka ee Soomaaliya ay isku hardinayaan dalal badan.