Connect with us

News

Soomaaliya oo markii ugu horeysey illaalo hubeysan loo samaynayo masaajidada

Published

on

Guddi amni oo ka jira magaalada Gaalkacayo ayaa u muuqda in uu ku baraarugay xalka ugu muhiimsan ee dhibaatooyinka amniga ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan Gaalkacayo, iyo meelaha ay tahay in xoogga la saaro.

Guddigan ayaa soo jeediyay in masaajidada la dhigo illaalo hubeysan, laguna rakibo kaamirooyinka aan libiqsan si loo aqoonsado wejiyada haddii dad dambiileyaal ah ay kusoo tukadeen masaajidka, kadibna gaysteen falal dil ah.

Masaajidada oo ah meelaha ugu badan ee dadka sida joogtada ah isugu imaadaan ayaa noqday meelaha dadka mas’uuliyiinta ah iyo dadka bulshada indhahooda ah lagu dilo marka ay waajibaadka diiniga ah gutaan, waxaanan falalkan lagu eedeeyaa ururka Alshabaab oo isaga marar badana sheegtay dilal loo geystay dad masaajid kasoo baxay.

Dadka la diley iyaga oo masaajid kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano, saraakiil sare sare oo dowladeed iyo dad bulshada micno ugu fadhiya, tanina waxa ay keentay in dad badan ay masaajidadii ka caagaan in ay ku tukadaan.

Haatan waxa ay u egtahay in ciidamada tirada badan ee heerarka kala duwan ee dowladda garanayaan meelaha ay tahay in ay amnigooda sugaan waqtiyo cayiman oo maalintii ka mid ah.

Inkasta oo amarkani uu yahay mid hal magaalo oo kaliya quseeya, haddane waa mid hubanti ay tahayin uu saamayn togan ku yeelan karo sugista amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha cibaadada oo cabashada ugu badan ay ka jirtay sanooyinkii ugu dambeeyay.  

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: