Col Maxamed Deeq Maxamuud oo ka mid ahaa taliyeyaasha sarsare ee Somaliland ayaa sheegay in uu ka goostay ciidamada maamulkaasi, una galay kuwa kacdoonka shacabka ee SSC.
Ninkani oo ahaa taliyaha qeybta 95-aad ee ciidamada Somaliland ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid kadib markii uu arkay gaboodfalada ciidamada Somaliland ku hayaan shacabka Sool iyo Sanaag.
Waxaa soo dhoweeyay odayaasha dhaqanka beeshiisa, gaar ahaan degmada Buuhoodle oo uu taliyahan ka hawlgalayay.
Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu xabbada u ridi doono dhanka kale.