Waxaa magaalada Balad Xaawo ka dhacay kiis dad badan yaab galiyay, lagana yaabo in uu iftiiminayo heerka shirqoolaha ka dhex jira ciidanka xoogga dalka.
Waxaa xero ku taala magaalada Balad Xaawo lagu diley taliye lagu magacaabo Korneerl Maxamed Urur oo ka mid ahaa saraakiishii mudada ka midka ahayd ciidanka, hormuudka ka ahaa dagaaladii lala galay Alshabaab.
Waxaase xiise leh qaab uu u dhacay dilkiisa, taas oo dhalisay shaki badan iyo su;aalo aanan jawaab loo haynin. Waxaa la sheegay in ciidan dowladda ka tirsan ay tageen xeradii uu taliyaha ka ahaa Korneel Urur, kuna wargaliyeen in qaraxyo looga tuhun qabo xerada, sidaasi darteedna ay xerada baneeyaan isaga iyo ciidanka inta qolyaha miino baarka ay hawshooda gudanayaan. Taladii waa ay qaateen taliye Urur iyo askartiisii.
Balse markii ay xeradii kusoo laabtay waxaa dhacay qarax uu ku dhintay taliye Urur oo kaliya, waxaana qaraxa uu ku xirnaa sariirtii uu taliyaha jiifanayay.
Dhacdadaasi kadib waxaa xabsiga la dhigay labo ka tirsan askarta dowladda, kuwaas oo loo kaxeeyay xabsi ku yaala magaalada Dooloow.
Halkaasi waxaa ugu tagay baarayaal ka tirsan maxkamadda ciidanka qalabka sida, kuwaas oo la sheegay in jirdil xooggan oo ay u geysteen mid ka mid ah tuhmanayaashii ay keentay in uu xabsiga ku dhex dhinti.
Arrintan ayaa sii xoojisay tuhunkii laga qabay dilka taliyaha mar haddiiba xabsiga lagu dhex diley dadkii lagu tuhunsanaa dilkiisa ama bixin lahaa xogta dhamaystiran ee dilka.
Dhacdooyinkan kadib ayaa waxaa maanta magaalada Dooloow gaaray guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida Col Shuute iyo saraakiil kale si ay u dhagaystaan kiiskan, iyo kiisas kale oo saraakiil horey gobolka Gedo loogu dilay oo uu ka mid yahay dilkii Col Bakaal Kooke oo ahaa taliyihii NISA ee Gedo.
Korneel Urur waxaa la sheegay in kaligii ay hooyo wiil ka dhashay, hooyadaasna ay hadda dharka dhigatay oo ay waalatay kadib markii loo sheegay geerida wiilkeedii kaliya ee ay dunida ka fiirsanaysay.
Wax war ah kama soo bixin taliska xoogga dalka , wasaaradda gaashaandhiga iyo dowladda intuba, balse waa kiis ay si weyn u hadal hayaan reer Gedo xilli la filayay in saraakiisha xirfadda ciidan leh ay hormuud ka noqdaan dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.