Waxaa dab la qabadsiiyay xero teendhooyin ka samaysay oo ay ku jireen illa 2 kun oo muhaajiriin ah oo kusoo jeedda Maraykanka, kuwaas oo ku sugan magaalada Matamoros ee dalka Mexico, taas oo u dhow xuduudda Maraykanka la leeyahay dalkaasi, xigtana gobolka Texas.
Arrintan ayaa imanaysa xilli maamulka Biden uu si culus ugu tashanayo Mexico in ay martigaliso kumanaan muhaajiriin ah oo Maraykanka ku wajahan.
Ma cadda dadka ka dambeeyay falkan, balse inta badan waxaa laga shakiyaa kooxaha daroogada Mexico, kuwaas oo geysta falal aad u fool xun.
Dadka xerada ku jiray ayaa u badnaa kuwa ka yimid dalka venazulea iyo Hundurus iyo waliba Mexico.
Kooxaha daroogada ayaa inta badan bartilmaameedsada dadka muhaajiriinta ah.
Balse dowladda Mexico ayaa qabta aragti ah in dabka ay shiteen dadkii xeradaas ku jiray oo quus ka taagan mudada dheer ee xeradan ay ku jireen.
Ma jirto cid wax ku noqotay dabkan dhimasho iyo dhaawacba, balse waxaa gubtay guryo badan oo teendhooyin iyo cooshado ka samaysay.
Dadkan ayaa sugayay in ay ka qeybqaataan barnaamijka dhanka online-ka ah ee dowladda Maraykanka ugu talogashay in ay dadka codsiyadooda magangalyo doonka ah ku dirsadaan, waxaana maalinkii dirsan kara 740 qof kaliya, iyada oo cillado badan u uku yimaado aaladda ama app-ka laga codsado oo lagu magacaabo CBPOne.
Maalinkii talaada illaa 200 muhaajiriin ah ayaa xirey buundada weyn ee Maraykanka loogu talaabo, halkaas oo ay ku xayirmeen intii badan gaadiidkii badeecooyinka waday.