Barasaabka gobolka Minnesota Mudane Tim Walz ayaa qalinka ku duugay sharciga shatiga wadista gaadiidka ee dadka oo dhan, kaas oo xitaa ay xaq u yeelanayaan in ay qaataan dadka aanan helin waraaqaha sharciga ee Maraykanka.
Sharcigani oo muddo 20 sano soo jiitamayay ayaa dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aanan weli go’aan laga gaarin dacwadahooda magangalyo doonimo ay qaataan shatiga wadista baabuurta si ay wax ugu kordhiyaan dhaqaalaha gobolka, waxna uga tarto taasi nabad galyada waddooyinka sida ay qabaan dadka u ololeeya. ‘
Bishii hore ayuu ansixiyay Aqalka baarlamaanka gobolka oo ay aqlabiyadda leeyihiin xisbiga Dimoqoraadiga.
Illaa 18 maamul goboleed kale oo Maraykanka ka tirsan ayaa horey sharcigan oo kale u ansixiyay.
Wax ka badan 80 kun oo muhaajiriin ah ayaa ku nool gobolka Minnesota.