Kadib markii shalay baarlamaanka federaalka ansixiyay sharciga hay;adda nabad suggida ee NISA iyo tan Korontada Soomaaliya ayaa waxaa laga dayriyay tirada sii kordhaysa ee hay’adaha dowladda xilli miisaaniyad ku filan aanan loo haynin.
Xildhibaan Ilyaas oo ka mid ah xubintii ugu dambeysay ee baarlamaanka ku biiray kadib markii todobaad hore lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadda dowladda ay leedahay 18 hay’adood oo madax banaan, wadadana ay kusoo jiraan 16 kale.
Waxa ku dooday in hay’adaha qaarkood ay mudnayd in la isku daro sida hay’adda Biyaha, Tan Korontada iyo kuwa kale maadaamaa hal wasaarad ay wada hoostagaan.
Waxa uu xildhibaanka sheegay in dowladaha kale ee adduunka sida tan Rwanda ay hal hay;ad isugu geysay kuwa hadda midba gaar loo saaray Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan miisaaniyad ku filan u haynin hay’adaha tirada badan ee maalinkasta la samaynayo.
“Waa in si istaraatiiji ah loo fikiraa, inta hay’ad ee is qaadan karana laisu geeyaa” ayuu yiri xildhibaanka oo warfidiyeenada kula hadlayay baarlamaanka hortiisa.